Anti-Qaadka

Waxaa jiray baahi joogto ah oo loo qabo dawo ku habboon bukaannada la ildaran qabatinka qaadka. Dalabkani waxa uu dhalay badeeco heersare ah oo loo yaqaan Anti-Qaadka, oo faa'iido u ah bukaanka la ildaran balwadaha. Xirmada : 30 Xirmo Baakidh ah & 15 Xirmood.

Qaadka wax ku cusub ma ahan gudaha dalka, waxaase la sheegayaa in markii ugu horreysay uu Soomaaliya soo gaaray wixii ka horreeyey xornimada, markaasoo ay isticmaali jreen wadaadada suufiyada, kuwaasoo qur'aanka ku akhrisan jiray si aanay u luloon.

Markii ay dowladda kacaanka dalka la wareegtayna waxaa cunnistiisa lagu yaqaanay ciidamada Soomaalida ee ilaaliya xuduudaha, iyadoo markii danbana lagu arkay fanaaniinta kuwaasoo ku shaqeyn jiray mararka ay soo saarayaan bandhig masraxeedyada.

Si kastaba Soomaaliya ayuu waayadii ugu danbeysay ku baahay, waxana kolka laga yimaado ragga, iminka cunnistiisa ku soo biiray haweenka, oo waqtiyadii hore ku yaraa isticmaalkiisa.

Halista Caafimaad

Qaadka ayaa bulshada Soomaalida dhan walba ka saameeyey, waxana badannaya dadka ka dhaxlaya xaaladaha caafimaad darro, kuwaasoo misana aan joojineynin, maadaama ay qabatimeen.

Jaadka oo la dagaalama caafimaadka ayaa laga qaadaa xanuuno kala duwan oo ku dhaca uur-ku jirta, sida beerka, halka sidoo kalana uu waxyeeleeyo caafimaadka afka iyo ilkaha ee qofka aaddanaha ah.

Wuxuu kaloo sababaa hurdo yari, daal fara badan iyo qaraw, qofka u diidaya inuu si fiican u lado, waana maadooyinka maan-dooriyaha ah ee ku jira oo ay ka mid tahay maadada cathine, taasoo la ogaaday in caleenta jaadka ay ku jirto sanadkii 1930-kii.

Dhaqaalaha

Dhanka dhaqaalaha ayuu geesta kale ka curyaamiyey dadka qabatimay, mana jirto wax shilimaad ah oo ay keydsan karaan, sababo la xiriira in xilli walba ay doonayaan in ay iibsadaan.

Dhaqaalaha dalka ayuu si taasi la mid ah hoos u dhigay, maadaama uusan geedka qaadka ka bixin Soomaalita, isla markaana looga keeno wadamada Itoobiya iyo Kenya

$130 Milyan oo dollar, lacag lagu qiyaasay ayaa si maalinle ugu xaroon jirtay Kenya 30-kii sano ee la soo dhaafay, sida lagu sheegay warbixin uu TV-kenya ku yaalla tabiyey 2011-kii

Waxaase ka sii horreysay daraasad ay Xarunta Ganacsiga iyo deegaanka Mareykanka, ku sameysay sanadkii 1993-kii dhaqaalaha Soomaaliya qaadka uga baxa, taasoo lagu sheegay in Hal Milyan oo dollar ay sanadkii Soomaaliya ku bixiso jaadka.

Noocyada Jaadka Dalka Yimaadda.

Soomaaliya inteeda badan waxaa ka hor inta aysan dowladda Soomaaliya mamnuucin garoonka Muqdisho ka soo dagi jiray diyaaradaha qaadka ka keena kenya, hase ahaatee iminka jaadka kenya waxa uu Xamar ku yimaadaa hab qarsoodi ah, iyadoo doomo lagu keeno.

Baddelkiisa waxaa gigada Muqdisho maalin walba timaada diyaarad qaadka ka soo daabusha dalka Itoobiya, oo horey qaadkeedu uu u tagi jiray Magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Yaa ku tiirsan

Qaadka ayaa dadka ka ganacsada waxaa u badan haween, kuwaasoo mar walba sheega in ay ku koriyaan caruur ay dumarkaasi ku dayaceen aabayaashooda ama kuwa agoon ah.

Haweenkan ayaa cod dheer ku sheega in loo sameeyo shaqo abuur, si ay uga tanaasulaan ka ganacsigiisa, oo ah mid saameyn culus ku leh Soomaalida, waxana iyaga qudhooda ay kala kulmaan dhibaato, sida in lagu dafiro lacagta qaadka ay deynta ku dhiibaan.

Dalalka joojiyey

Ingiriiska ayaa mamnuucay gabi ahaanba qaadka, iyadoo 25 sano ka horna ay dowladda mareykanka ka joojisay dalkeeda, oo iminka qaab kotorobaan ah ay ku geeyaan Soomaalida.

Waxaa kale oo jira in dalal kale oo reer yurub ah aan laga oggoleyn isticmaalka jaadka, waana mid ka dhalatay khatarta uu ku leeyahay caafimaadka qofka bani'aaddanka ah.

Qubarada ukuur gashay halistiisa ayaa ku talinaya in laga wacyi galiyo dadka qabatimay, isla markaana loo abuurro waxyaabo ay naftooda ku madadaaliyaan, sida in loo furo tartamo kubadeed.

Dhan kastaba, Qaadka oo ah caleen kicin fudud ku abuurta dareemaha qofka calaliya ayey WHO sheegtay, in ay ku jirto maadada katinoonka taasoo daciifisa awoodda maskaxda qofka qabatima, waxaana Qaadka Soomaaliya ugu yimaada Kenya iyo Itoobiya, uu 30-kii sano ee la soo dhaafay ahaa dhibaatada ugu weyn ee hareysay nolasha Soomaalida, iyadoo loo tiriyo mas'uuliyada bur-burka qoyska iyo dayaca u badka.

Xanuunada Qaadka

• Qaabka jidhka u shaqeeyo oo isbadala

• Hurdo laan keenta xanaanu farabadan 

• Madax xanuun keena walbahaar joogta ah 

• Calool xanuun sida dibiro,daaco iyo gaas

• Dhiigkar, kelyo xanuun,kaadi oo yaraata

• Warwar farabadan iyo mashquul badan

• Fikir qaldan oo qofku amino 

•  shaki ,cabsi,keenta xanuunmaskaxeed

• Wedne xanuun keena dhiiga oo sare u kaca

• Beerka xanuun ùu keeno sunta qaadka 

• Babaasiir soo noq noqata 

• Hamiga Raga oo hoos u dhaca

• Neerfaha oo ku xanuuna iyo cadho badan

• Qofka oo qaata go'aamo qaldan si fudud 

• Saboolnimo  joogta ah

• Qoyska oo burbura si fudud

• Qofka qaadka cunaa wakhti ma helo

• Ilkaha oo ay ku dhacaan xanuuno badan 

• Cancer ku dhaca afka